DF iyo Imaaraadka Carabta oo HESHIIS kala saxiixday

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda Imaaraadka Carabta (UAE FIU) ayaa heshiis wada-shaqeyn la saxiixatay Xarunta Warbixinta Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay isku waydaarsadaan warbixinada iyo khibradaha, islamarkaana mas’uuliyiinta labada dhinac ay uga wada-shaqeeyaan la-dagalanka dambiyada lacagaha.

Qoraal ay bahaisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa lagu sheegay in Imaaraadka ay heshiiskan la galeen Soomaaliya ayada oo ujeedka uu yahay la dagaalanka been-xalaaleynta lacagaha iyo mala-gelinta argagixisada, si labada dhinac ay uga wada faa’iideystaan. 

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday madaxda hay’adda UAE FIU, Ali Faisal Ba’Alawi iyo Agaasimaha Xarunta FRC ee Soomaaliya, Amina Cali.

“Heshiiska aan la galnay Soomaaliya waxay dib usoo celinayaan dadaallada aan ku fududeyneyno is-weydarasiga aqoonta iyo khibradaha ee dhinacyada la-dagaalanka beee xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixisada,” ayuu yiri Ali Faisal Ba’Alawi.

Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo weli uu aad u xun yahay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii ay dowladda federaalka ay Imaaraadka kala safatay Qatar oo ay is-hayeen.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag ka badan 10 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd.