Hoggaamiyihii kooxda BOKO XARAAM ‘oo is-qarxiyey’

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Abuubakar Shekau ayaa la rumeysan yahay in uu jiray da’da 40, wuxuuna marar badan kasoo dhex muuqday muuqaallo uu uga hadlayey ololaha kooxda.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Illaa iyo hadda dowladda wadanka Nigeria iyo sidoo kale kooxda Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Sidoo kale bishii la soo dhaafay markii uu soo ifbaxay wararka la isla dhexmarayay ee ku aadan geerida Abuubakar Shekau, militeriga Nigeria waxay sheegeen in arrintaas ay baarayaan.

Abuubakar Shekau wuxuu awoodda kooxda la wareegay markii uu gacanta booliska ku dhintay ninkii aasaasay ururkaas sanadkii 2009-kii, wuxuu kooxda u horseeday in weeraro dhiig badan uu ku daatay ay ka fuliyaan waqooy bari Nigeria.

Si kastaba Shekau ayaa intii uu hoggaaminayay Boko Xaram waxay kooxda fuliyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin, falal afduub ah iyo nin ay maxaabiis si xoog ah uga soo sii daayaan xabsiyada, sanadkii sanadkii 2014 waxay kooxda bilowday olole ay ku qabsanayaan magaalooyinka si shareecada Islaamka ay halkaas ugu soo rogaan.

ISHA: BBC