Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogleh oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada 21-ka October oo ku taalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxaa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa lala beegsaday kolonyo ay wateen howl-wadeeno ka tirsan Qaramada Midoobay oo xilligaas marayey wadada.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helay qaraxan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay weerarkan la beegsatay saraakiil Cadaan ah, isla-markaana ay khasaare xoogleh ku gaarsiisay, sida ay kooxdu ku sheegtay qoraal ay goordhoweyd sii baahisay

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka & saraakiishooda.