Wasaaradda Amniga oo fasaxday dibad-baxa berri, fariina u dirtay taliyeyaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya oo uu haatan wasiirka ka yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal rasmi ah kasoo saartay dibad-baxa haatan laga abaabulayo Muqdisho ee lagu wado inuu beri ka dhaco caasimada.

Wasaaradda ayaa shaacisay inay fasaxday qabsoomida dibad-baxaas oo ah mid nabadeed, isla-markaana looga soo horjeedo tallaabadii uu qaaday Farmaajo, 27-kii December.

Warqadda kasoo baxay wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu amray taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan taliyaha guud ee Booliska, kan qaybta gobolka Banaadir inay sugaan amniga shacabka dibad-baxaya.

” lyada oo la tixgelinayo xuquuqda Dastuuriga ah ee bulshada u leedahay in ay qabsadaan isu soo bax nabadeed sida ku cad qodobka 20-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir in ay sugaan amniga dibad-baxayaasha muddada ay samaynayaan dibad baxa nabadecd,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale wasaaradda amniga ayaa fartay guddiga qaban-qaabinaya dibad-baxa in ka fogaadaan wax kasta oo keeni karo rabashado & in lagu xadgudbo hantida dadweynaha.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay Duqa Muqdisho uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir aan lagu qaban karin dibad-bax uusan ogeyn maamulka, wuxuuna Cumar Filish si cad u sheegay in xilligan caasimada aysan xamili karin dibad-bax iyo rabashado.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakin tallaabada la doonayo in lagu baajiyo banaan-baxa ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Villa Soomaaliya, maadaama looga soo hojeedo Farmaajo, sidoo kalena lagu taageerayo dadaallada doorashooyinka ee Rooble.

Xaaladda Muqdisho ayaa  haatan ah mid cakiran, waxaana saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii