Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo galay maalintii afaraad

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay Teendhada Afisyoone ee ku dhex-taalla Xalane.

Shirkan oo galay maalintiisii labaad ayaa wuxuu u dhexeeyaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu soo qaban qaabiyey, duqa magaalada Muqdisho iyo hoggaamiyeesha shanta dowlad goboleed ee Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, siiba is mari-waaga ka taagan doorashada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka

Sida ay ogaatay Caasimada Online Qodobada la’isku hayo ee dooda iyo shirka sii dheereeyey ayaa ah arrinta gobollada waqooyi oo ay isku hayaan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale xiisada gobolka Gedo ee dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Labadan qodob ayaa qaadatay waqti badan iyo dood dheer, waxaana sidoo kale jiray kulamo gaar gaar ah oo ay dhinacyadu ka yeesheen, si la’isugu soo dhowaado.

Jadwalka lagu ballamay inuu juu soo xirmay shirka ayaa is-bedal uu ku yimid, waxaana haatan socda wada-hadallado ku aadan sidii heshiis dhameystiraan loo gaari lahaa.

Sidoo kale waxaa wararku intaasi kusii darayaan inay haatan socdaan dadaallo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka looga ilaalinaya in uu fashilmo ama lagu kala tego.

Shirka doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday xilli loo baahnaa, waana fursaddii ugu dambeysay, marka loo eego waqtiga la heysto ee ku aadan qabashada doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaaniga ah iyo mida madaxweynaha.