Ganacsade Soomaali ah oo xaaskiisa oo ajnabi ah ay ku dishay dalka Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online  – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ahaa loogu geystay xaafaddda Mayfair oo ka tirsan magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay nooshahay.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaas oo loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis ay fulisay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah, taas oo toogasho ku dishay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Haweeneyda dilka ka dambeysay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dilka u adeegsatay bistoolad uu lahaa marxuumka, kadibna ay wacday Booliiska oo ay ugu dambeyn isku dhiibtay.

Laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay dilka ay haweeneydaasi u geysatay saygeeda.

Dhacdadan ayaa la-yaab ugu noqotay Soomaalida kale oo si aad ah u hadal haya dilka loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Johannesburg.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo badaneyey weerarada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo la kulmo dil, dhaawac iyo dhac.

Inta badan kooxo burcad Afrikaan ah ayaa ka dambeeya weerarada lagu hayo Soomaalida, waxaana aad u yar wax ka qabashada dowladda ee ku aadan dhibaatooyinkaasi