Ireland: Baasaboorka Somalia oo la kala siisanayo $488

Dublin (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Jamhuuriyadda Ireland iyo Gobolka Waqooyiga Ireland ee UK ayaa ka cabanaya lacag dul saar ah oo ay sheegeen in looga qaato marka ay baasaboorka Soomaaliga dalbanayaan.

Qaar ka mid ah Soomaalida oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa  arrintan ku eedeyey shaqsiyaad uu hormuud u yahay sarkaal ka socda Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium-ka.

Sarkaalkaan oo iminka ku sugan waddanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa sida ay sheegeen magaalada Dublin ku sameystay shaqsiyaad lacago dul saar ah uga ururiya dadka, iyadoo baasaboorka Soomaaliga ah marka laguugu sameynayo wadanka Ireland lagaa qaadayo lacag dhan €320 Euro, oo lagu daray €80 Euro oo warqadda dhalashada ah, taas oo wadarta guud ka dhigeysa €400 Euro oo u dhiganta $488 Doolar, halka marka aad baasaboorka iyo warqadda dhalashada ka dalbato safaaradda Belgium lagaa qaadaayo €200 oo Euro.

“In lacago dul saar ah oo aan qasnadda dowladda ku dhaceyn na laga qaado, waxaan dhihi karnaa waa mukhallisnimo heer kale gaartay,” ayuu yiri Adan Nuux oo ka mid ah dad dhowr ah oo lacagahaasi la waydiistay.

Soomaalida Ireland ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato maadaama lacagahaan aynan ku dhaceynin qasnadda Dowladda, oo shaqsiyaad gaar ah qaadanayaan

Ireland oo ah wdadan ay Soomaalida aad ugu yar tahay marka la barbar dhigo waddamada kale ee Yurub ayaanan laheyn wax safaarad ama qunsuliyad ah, mana ka jirto Jaaliyad Soomaaliyeed oo shaqeeysa, waana arrintaas sababta u fududeysay in shaqaiyaad gaar ah ay dadka baasaboor doonka ah ka qaataan lacago baad ah.

Sidoo kale waddanka Ireland waxaa ku nool dad kasoo Jeeda Qowmiyadda Baajuunta eee Soomaaliya, waxaana sanadki hore lacago fara badan ka urursaday sarkaalkaan, isagoo u sheegay  inuu baasaboor u sameynayo.

Imaatinka Sarkaalkan ee wadanka Ireland ayaa waxaa ka dambeeyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Soomaalida wadankaan ay horey uga dalbadeen in uu qunsuliyad u soo magacaabo ama ugu yaraan uu saraakiisha Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka usoo diro, taasi oo uu ka aqbalay Wasiirka, isagoo ujeedadiisu aheyd in dadka loo fududeeyo Baasaboorka. 

Si kastaba taas badalkeeda sarkaalkii Howsha loo xil saaray iyo raggii la shaqeynaayay ayaa u badalay in baahida dadka ay ka macaashaan oo ay lacago badan uga urursadaan, taas oo Soomaali badan ay culeys ku noqotay.