Xog: Maxay yihiin ciidamada gaarka ah ee dowladda UK usoo direyso Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ciidamo gaar ah usoo direysa Soomaaliya, si ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM uga taageeraan la dagaalanka argagixisada. 

Wargeyska Express ee kasoo baxa London ayaa baahiyay in UK ay udiri doonto Soomaaliya 250 ka tirsan ciidanka khaaska ah ee UK, kuwaasi oo loo daabuli doono gudaha dalka 12-ka bilood ee soo socda.

Wargeyska ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto aas-qaska guutada howl-galka khaaska ah (The Special Operation Brigade) oo la howl-galiyay dhowr bilood ka hor.

Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka ee khaaska UK ee Special Air Service (SAS) , Jeneral Mark Carleton-Smith oo haatan madax ka ah Ciiddanka Britain ayaa iftiimiyey qorshaha UK ee ay ciidamada ugu soo direyso bariga Afrika.

Jeneral Mark ayaa hoosta ka xariiqay inuu doonayo in 12-ka bilood ee soo socda uu ku dhiso Guutada Koowad ee Ciiddanka Rangers-ka, isaga oo ka gaabsaday muddada ay ciidamadaas ku sugnaan doonaan gobolka.

“Waxaan doonayaan inaan arko, iyagoo loo daad-gureeyo Bariga Africa si ay u taageeraan La-hawlgalayaasheenna Bariga Afrika” ayuu yiri Jeneral Mark Carleton-Smith.

Express oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ciiddankaasi saldhigooda noqon doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka khaaska ugu tababaraan xeelladaha dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wargeyska ayaa xogtaan uu baahiyey ku xusay in ciidamada khaask ah ay badeli doonaan kuwii Mareykanka ee tobabari jirey ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in ciidaanka iyo goobtooda koowaad ee howl-galka oo xogtu tibaaxeyso inay tahay Soomaaliya lagu shaaciyo Shirweynaha Hoggaamiyayaasha  dalalka G7 ee bisha soo socota ee June 11-da ilaa 13-da ku yeelan doonaan Gacan-biyoodka Carbis Bay ee Gobalka Cornwall ee dalka Britain.

Ciidamada dowladda federaalka oo kaalmo ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanada Shabaab, waxaana la filayaa in haddii UK si toos ugu biirto ay sarre u qaadeyso howl-galada ka dhanka ah argagixisada.