QM oo shaacisay xog ku aadan weerarkii Al-Shabaab ee xabsiga Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee ay bishii March dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday xog rasmi ah oo ku saabsan weerarkaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid uu heerkiisu aad sareeyey oo ay soo abaabushay kooxda Shabaab.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay Al-Shabaab ku deysay illaa 337 maxaabiis ah oo ay 140 ka mid ah ay u xirnaayeen dambiyo la xiriira argagixisanimo, halka 10 ka mid ah isla maxaabiistaas ay ahaayeen dumar.

Sidoo kale warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka, isla-markaana uu ku jiro taliyihii xabsiga dhexe ee Boosaaso iyo 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Asluubta.

Waxa kale oo warbixinta lagu soo qaaday weerarada ay kooxda Daacish ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan weerarkii ay kooxdaas bishii April ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa degmada Qandala, laguna dilay illaa labo askari.

Baahinta warbixintan ayaa qeyb ka ah warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taas oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu maanta ka horjeedinayo golaha ammaanka.

Si kastaba, dagaallamayaasha kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland, iyaga oo inta badan beegsada xarumaha ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.