Ciidamo militari ah oo xirtay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dal African ah

Bamako (Caasimada Online) – Saraakiisha Militariga dalka Mali ayaa xiray madaxweynihii, ra’iisul wasaarihii iyo wasiirkii difaaca dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, taasi oo kasii dareysay qaska syaasadeed ee dalkaas, bilo un kadib markii afgambi militari xukunka loogu tuuray madaxweynihii hore. 

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul Wasaare Moctar Ouane iyo wasiirka difaaca Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyey xero militari oo ku taalla caasimadda Bamako, saacado kadib markii laba xubnood oo ka mid ah militariga ay xilalkooda ku waayeen isku shaandheyn lagu sameeyey dowladda, sida ay sheegeen ilo-dowaladeed iyo kuwa diblomaasi.

Xarigooda ayaa daba socda xukun ka tuuristii militariga ee  madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita. Dhacdadan ayaa kasii dari karta xasillooni darrada dalka ku yaalla Galbeedka Afrika, oo kooxo xiriir la leh Al-Qacida iyo Daacish ay maamulaan qeybo badan oo ka mid ah saxaraha waqooyi.

Xasillooni darrada siyaasadeed iyo dagaalka militariga dhexdiisa ah ayaa adkeeyey dadaallada ay quwadaha Reer Galbeedka iyo dalalka deriska ah ay ku caawinayaan dalkan saboolka ah. 

Howlgalka QM ee Mali ayaa ku baaqay in si deg deg oo shuruudo la’aan ah loo sii daayo kooxda la xiray, waxayna sheegeen in kuwa haysta hoggaamiyayaasha ay tahay inay ka jawaabaan ficilladooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku baaqday “sii deynta shuruud la’aanta ah ee kuwa la haysto.”

Madaxweyne Ndaw iyo ra’iisul wasaare Ouane ayaa loo xil saaray maamulka xukun rayid oo 18 bilood jiri doona kadib afgambkii August, hase yeeshee waxay militariga ka qaadeen xilal muhiim ah oo ay dowladda ka hayeen.