Imaaraadka Carabta oo dib uga gurtay dhex-dhexaadinti dalalka Ethiopia iyo Sudan

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Sudan.

Sida uu qorey Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaaladda Abu Dhabi, dowladda Imaaraadka waxay si rasmi ah ugu war-geliyeen dowladda Sudan inay ka laabteen dhex-dhexaadintii lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia, kadib muran kooban oo soo kala dhex-galay xukuumadda Khartoum 

Qoraal ay dowladda Imaaraadka u dirtay dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers).

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka.

Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale ka hortimid in Beeralayda Itoobiya mar kale u oggolaan doonin joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal, oo sarre u qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dowladood.

Itoobiya waxay ka biyo diidsan tahay heshiiskii xuduudka ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii.

Xiisada Sudan iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka dhulka ayaa sababtay iska hor-imaadyo dhex-mara labada dhinac, waxaana weli taagan muran dhuleedka xuduudka oo ah dhul beereed.