Wararkii ugu dambeeyey ee tahriibayaal lagu laayey xero ku taalla waddanka Libya

Tripoli (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo ku jira xero ku taalla gudaha waddanka Liibiya, waxaana ka dhashay rasaastaasi khasaare kala duwan oo dhimasho & dhaawac leh.

Muhaajiriinta la rasaaseyey ayaa kasoo jeeda dalal kala duwan, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay ka baxsadaan xeradii lagu hayey, taas oo keentay inay rasaaseeyaan ciidamadii ilaalada ka hayey goobtaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qalalaasahaasi ku dhintay ugu yaraan lix ka mid ah tahriibayaashii baxsanayey, halka ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sidoo kale qaar kale oo ka mid ah tahriibayaasha ee isku dayey inay baxsadaan dib loogu soo celiyey xerada ay shaqaaqadu ka dhacday.

Sarkaal ka tirsan QM oo ka hadlay dhadcdadaasi ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano ku aadan dalalka ay kasoo jeedaan muhaajiriinta dhintay & kuwa dhaawaca ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay si dhow ula socon doonaan xaaladda dadka waxyeellada soo gaartay, si ay helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran.

Liibiya ayaa waxaa ku sugan muhaajiriin ka tegay dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana haatan dalkaas ku heysta xaalado adag oo dhanka bani’aadanimada ah.