Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadalada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay dib uga billowdaan wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wada-hadallada oo hakad-galay labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa qorshuhu yahay inay maanta dib uga billowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyooni.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday in shuruudo horleh lagu xiro fulinta heshiiska 17-kii September, kuwaas oo dib usii dhigi kara wada-hadallada haatan socda.

Si kastaba Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, waxaana si aada la’isugu hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021 oo uu ku yimid dib u dhac baahsan.