Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyo ayaa lagu weeraray Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda dowladda Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow Isgoyska Jubba ee Muqdisho.

Labadda Qarax oo kala dambeeyay Daqiiqo yar ayaa Midka Koowaad lagu dhuftay Iridda laga galo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bushadda, waxaana  ka socotay Shaqadda Maalin laha ah ee loogu adeego Bulshadda Soomaaliyeed.

Qaraxa Koowaad markii dhacay Dabley hubeysan ayaa weerar toos ah ku qaaday Wasaaradda.

Qaraxa Labaad ayaa la sheegay in uu ahaa gaari  ay kasoo degteen Dableyda Hubeysan oo Qaraxyadda ka dib Gudaha u galay xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaallaha oo ay sidoo kale la dagan tahay Wasaaradda Howlaha Guud.

Sida la ogaaday dableyda weerarka soo qaaday ayaa ka koobnaa 4 – 5 kuwaas oo ku labisnaa Dharka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal culus ka wadda Gudaha Wasaaradda, waxaana muuqata Qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda oo laga soo badbaadinaayo goobta, waxaana daaqaha la saaray Jaran jarooyin.

Qaraxyada maanta oo sabti ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor uu Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo kulan la qaatay Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha Booliska uu ugu baaqay inay ka feejignaadaan qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com