Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Marka

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda guud ee magaaladaasi, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi, waxaana xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Taliska 14-ka October oo ka howl-gala Marka ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday magaalada, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Gaashanle Cabdiraxiin Maxamed Muunye taliyaha Guutada 14-ka October oo lahadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in Al-Shababa ka dileen 5 xubnood 10 kale ay dhaawaceen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay howl-gallo ka wadaan nawaaxiga magaalada, isla-markaana ay ku raad joogaan xubnihii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Marka oo xarun u ah Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay halkaasi ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.