Isbaheysi ka dhan ah Abiy oo lagu dhawaaqay iyo wararkii ugu dambeeyay ee Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka.

Ururadani ayaa durbo bilaabay olole ballaaran oo la doonaya in xukunka looga tuuro Abiy Axmed, xoog iyo wada-hadal kii ay noqoto.

Sidoo kale ururada mucaaradka ah ee ku kacsan Abiy ayaa qorsheynaya in marka laga adkaayo, ama la burburiyo xukuumadda in la sameeyo maamul ku meel gaar ah.

“Annaga oo ka jawaabaya dhibaatooyinka waaweyn ee soo foodsaaray quruumaha kala duwan ee dalka, isla markaana aan meesha ka saarayno saamaynta xun ee taliska Abiy Axmed ku leeyahay dadkeenna iyo shicibkeenna, waxaanu aqoonsannay baahida degdegga ah ee loo qabo in la iska kaashado, oo aan ku biirno ciidamadeenna si aan u helno isbeddel nabdoon ,” Admassu Tsegaya, oo xubin ka ah Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga ee Agaw, oo qayb ka ah isbahaysiga cusub ee loogu magac daray United Front of Federalist and Confederalist Forces ayaa u sheegay warfidiyeenka.

Jabhadda Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) oo haatan dagaal kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa ka mid ah ururada saxiixay heshiiska ay gaareen isbaheysigan cusub.

Dhinaca kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saaray xaaladda cakiran ee wadanka Itoobiya, waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay si deg deg ah xabadda u joojiyaan, isla-markaana ay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale dhinacyada isku haya Itoobiya ka dalbaday inay ka fogaadan hadallada nacaybka, hurinta rabshadaha iyo kala qaybinta.

Itoobiya ayaa ku jirta xaalad  jahwareer ah, kadib markii ay sii xoogeysteen dagaallada u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda TPLF oo ku sii dhowaaneysa Addis Ababa.