Diyaaradaha drone-ka ma loo isticmaalaa wax soo saarka beeraha sida uu ku dooday xildhibaan Zakariye? – Faallo

Yaa keensan kara bilaa ogolaansho dawladeed maku keeni karaa? Ruqsan ma u baahanyihiin cida isticmaalaysaa?

Sidan ognahay cilmiga waxsoo saarka beeruhu waa mid kamid ah cilmiyada aduunkan hogaamiya sida ku cad dastuurkeena Quraanka Kariimka ah waana asaasiga nolosha dadka aduunkan ku nool iyo dhamaan  makhluuqaatka allaah abuurtay ee nool.

Haddaba waxa uu soo maray heerar kala duwan isaga oo maanta jooga in beerta ama dalaga uusan ba qof galin beeris ilaa gurasho oo qalab iyo technology loo isticmaalo.

Haddaba qalabkan loo yaqaan ee diyaaradaha bilaa duuliyaha ah waxay kamid yihiin qalabka casriga ah ee wax wayn ka bedelay wax soo saarka Beeraha.

Sidee wax soo saarka Beeraha diyaaradahan loogu isticmaalaa?

Diyaaradahan waxaa loo isticmaalaa dhawr jiho marka laga hadlayo wax soo saarka beeraha waxaana kamid ah:

1- Waraabka ( Irrigation) ma ahan macneheedu inay qaado intaas oo litir oo biyo ah macnuhu waxaa weeeye waxaa jira nidaam waraaab oo kala duwan ee dhulka wax laga beeray leeyihiin, hadaba fogaanta dhulkaas iyo  baaaxad waynantaasi waxay u baahantahay in qalabkaas waraabka ee ku xiran dhulkaas wayn ee Irrigational system in lala socdo la dayac tiro la kormeero si loo ogaado meelaha uu systemku ka ligayo ama ciladi kaga jirto ama meesha system ka xun ee aan dalaga u gudbinayn biyo, si dhibaatadaas loo xaliyo ayaa la fekeray oo lasoo sameeyey diyaaradah bilaa duuliyaha ah ee loo isticmaalo waraabka beeraha.

Waxay diyaaradni sahashay in loo diro dhul kala fog oo hectares ah lagalana socdo computer lana arko meel kasta oo systemka waraabka ka xun ama u baahan dayac tir iyo hagaajin markaasna koox loogu diro si ciladaaas looga jawaabo.

Arinkani wuxuu yareeyey waqtigii badnaa ee ku bixi jiray in lasoo kormeero system wuxuu kaloo yareeyey shaqaalihii kormeerkaas ka qayb qaadan jiray.

2- Buufinta dalagyada: Crop spraying

Diyaaradahani waxay ka ka qayb qaateen buufinta iyo la dagaalanka cayayaanka iyo cudurada ku dhaca dalagyada iyo oo qaadaya haamo litiraadkoodu yaryahay buufinayana dalagyada waqti xadidan iyo shaqaale yar.

3- Sahminta dhulka iyo kala saarida dhulka: Remote Sensing

Diyaaradahani waxay ka qayb qaateen sawirida iyo sahminta dhulka si loo ogaado dabiicada iyo hab dhuleedka meeli dhulka kamid ahi leedahay si loogu go’aan qaato markaas ujeedka laga leeyahay.

Hadaba yaa isticmaala yaase lasoo degi kara ogolaanshose maloo baahanyahay?

Diyaaradahan waxaa isticmaala mashaariicda waa wayn iyo kuwa yar yarba waxaaana yeelan kara shirkado loo ogolaaday oo la ogyahay shaqadooda waxsoo saaarka beeraha waxayna dalka kusoo galin karaan oo kusoo gadan karaan ogolaanshaha dawladeed iyo nidaamka messhaas ka jira, markasta oo ay isticmaalayaana waxay ogolaansho ka helayaan haayadaha amniga ee meshaas ka jira oo ay ka raadinayaan ogolaansho, ee xaalku ma ahan iska keenso isks duuli.

Ma khatar amni ayey leeyihiin?

Haa waxaa lagu fuliyaa shirqoolada sida dilalka iyo xadista sirta ama xogta ama muuqaal ka guud meel dan laga leeyahy ama waxay qaadaa waxa loo yaqaan coordinate system oo ah goob sumadeedka dhulka la rabo in hawl laga fuliyo.

Tusaale 1-aad: 2018 kii waxaa lagu khaarijin lahaa madaxwaynaha Venasuella mar uu ka qayb qaadanaaayey bandhig millatary ee dalkiisa ka dhacaaayey.

Tusaalaha 2-aad: Laba sano ka hor waxaa la keenay oo si tijaabo ah oo waliba ogolaansho dawladeed loo helay la keenay dawladaha geeska afrika mid kamid ah si loola dagaalamo #Ayaxa laakiin markii la arkay khatarteeda amni waa la joojiyey cidii ogolaanshaha loo siiyeyna waa lagala noqday ogolaanshihii.

Gabagabo

Aad lasoo degtid’e ma tahay shirkad wayn ama khabiir beereed oo wadanku u aqoonsanyahy inuu ka shaqeeyo waxsoo saarka iyo horumarinta beeraha Dalka.?

Markii hore iska soo gad ma ahane ma heshay ogolaansho dawladeed mise waad iska soo galisay ilayn waa wadankaas baylahda ahe.?

Maka fekertay in arinkani yahay ganacsi dareen amni wata oo aan la’aan ogolaansho dawladeed lagu gali karin intaadan dhawr xabaan keensaday oran.?

Meesha ama deegaanka aad u wadid oo tiri beerihiisa ayaan kaga shaqayn horay hal geedna allaaah haka dhigee maka qayb qaadatay horumarinta wax soo saarkiisa?

Intaas oo su’aala ah hadii aadan jawaab u hayn waa in la is waydiiyaaa hawlaha iyo ujeedka laga lahaa.

Somalia Allaah ha badbaadiye ajnabi iyo muwaadinba aqoon daro ama ula kacba ugu tijaabiye wax wadankan aan ku haboonayn.

Allaah wadankeena ha xifdiyo 

فسالو أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون

W/Q:  Mohamed M. Galgalato

Mamulaha shirkadda Beeraha Ee G.L.G.
G.L.G Agricultural Company

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid