Qaraxii fashilmay ee tacsida ‘Libaaxa Muqdisho’ oo loo maxkamadeynayo saddex qof

Kamapla (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa saddex qof kusoo oogtay dacwad argagixisanimo oo la xiriirta qaraxii la fashiliyey ee lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal dagaal xooggan kooxda Al-Shabaab kula galay Soomaaliya.

Jeneraal Paul Lokech oo loo yaqaan “Libaaxa Muqdisho” ayaa laba jeer soo noqday taliyaha ciidamada Amisom, wuxuuna hoggaamiyey howlgalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho. Wuxuu bishii August ku geeriyooday dalkiisa. 

Dacwad-oogayaasha Uganda ayaa sheegay in saddexda qof ee dacwadaha lagu soogay ay yihiin rag xubno ka ah kooxda mucaaradka ee ADF, oo Kampala ay sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen qorsheynta weerarka lagu qaadi lahaa tacsida “Libaaxa Muqdisho,” bishii August.

Kooxda ADF, oo asal ahaan aheyd mucaarad Uganda ah, ayaa lagu eedeeyey inay kumanaan qof oo shacab ku dishay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, sanadihii dhowaa.

Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah kooxda ADF ula xiriirisay kooxda Daacish.

Geoffrey Turyamusiima, oo ah qareenka saddexda nin ee la eedeeyey, ayaa weriyayaasha u sheegay in kalyantigiisa lagu jir dilay xabsiga kadib markii la xiray bishii August. 

“Xitaa si wanaagsan uma istaagi karaan,” ayuu yiri Turyamusiima oo intaas ku daray in haddii dharka laga siibo lagu arki karo caalamadaha jir dilka. 

Uganda ayaa waxaa dhowaanahan asiibay weeraro dhowr ah oo lala xiriiriyey kooxda ADF. 

Booliska ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey oo ka tirsan ADF uu isku qarxiyey bas bishii tagtay, halkaasi oo uu ku dhintay, sidoo kalena dhowr qof oo kale ku dhaawacay.

Sidoo kale, qarax ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow caasimadda Uganda ayaa laba maalmood kahor qaraxa baska, waxaa lagu dilay hal qof, ayada oo saddex kalena lagu dhaawacay.