KHADIIJA Diiriye oo hada shalaay ka joogta wareysi ay horay u bixisay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo bandhigay wareysi ay Dalsan TV horay u siisay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo sheegeysa in qof beesheeda ka dhashay oo kursiga kula tartamaya uusan jiri doonin sanadkaan, iyadoo balan qaaday xilligaas hadii la helo qof aqoonyahana oo metelaada beesha kala wareega ay siyaasadda ka nasa doonto.

Hase yeeshee kursiga xildhibaan ee Khadiijo Diiriye ay ku fadhisay 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa hadda u sharaxan gabar aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Baarliin Biin, waxaana haatan Khadiijo Diiriye soo wajahay qalqal xoog leh.

Dhowr jeer ayey Khadiijo Diiriye fagaareyaasha ka soo muuqatay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo juhdi badan ku bixineysa sidii gabadhaas ay uga tanaasuli laheyd hankeeda siyaasadeed.

“Wiil ama Gabar qofkii isku soo sharaxa kursiga xildhibaan ee aan ku fadhiyo anigaa ku wareejinaa, waan daalay caafimaad ahaan, waan jeclahay inaan siyaasadda ka nasto oo cariishka Hooyadey iyo Aabehey ay Jowhar  ku leeyihiin aan ku nasto, laakiin rajada Alle lagama quusto oo laxaw jeclaa dalkaan iga heysa,” ayey tiri Kadiija Diiriye oo bilo ka hor wareysigaan bixisay.

Mar la weydiiyey in beesheeda Yaxar laga heli karo qof aqoonyahana oo kursiga ay ku fadhiso ku meteli kara iyo inay iyadu fursadaha u diido dadkeeda ayey ku jawaabtay, “Mar kasta beesheydu waxay itiraahdaa nama aadan ceebeyn, xattaa beelaha kale ayaa I amaana, beesheyda waa ku jiraan wiilal iyo gabdho waxbartay, laakiin anigay I dhaheen nametel.”

Sidoo kale Khadiija Diiriye waxay wareysigaas ku sheegtay inay ku faraxsan tahay hanaanka awood qeybsiga dowladnimada Soomaaliya ee 4.5-ka,  oo beesheeda u aqoonsan ‘nus’ ama beel barkeed.

Laba maalmood ka hor Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa gurigeeda ku casuumtay Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana la sheegay inay ka codsatay inuu kala hadlo oo tartanka doorashada uu ka reebo gabadha isku soo sharaxday kursigeeda, sababta ay Ugaaska ugu dacwootay waa in Khidiijo iyo Baarliin oo u dhashay beesha Yaxar ay kala dhaleen laba Hooyo oo Mudullood ah.

Hoos ka daawo wareysigii Khadiija Diiriye