Xilliga ay doorashada BF ka billaabaneyso maamul goboleedyada oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaaciyay in toddobaadka soo socda doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ay si rasmi ah uga billaabaneyso dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu soo dhammaaday diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, islamarkaana doorashada ka bilaabatay magaalada Muqdisho, ayna toddobaadka soo socda ka billaabaneyso degaanada doorashooyinka ee maamul goboleedyada dalka.

Cirro ayaa intaas kusii daray inay magaalooyinka maamul Goboleedyada ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka ay u daabuli doonaan agabka doorashooyinka oo dhameystiran, sida warqadaha cobixinta, sanduuqyada iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashooyinka Golaha Shacabka ay kusoo dhammaato waqti aan badneyn, maadaama uu diyaar garowga doorashada ee Guddiyada heer Federaal iyo heer maamul uu kasoo dhammaaday.

“Hannaankeena doorashada waqti badan ayuu soo jiitamayey, rajada haatan waa ay wanaagsan tahay, waxaana ballan qaad ku galnay Madaxda maamulada iyo Guddiyada doorashooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa todobaadkaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Gobola Waqooyi ee Somaliland loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, halka kan labaad uu noqday Biixi Iiman Cige, wallow la hakiyey natiijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.