War kasoo baxay safaarada Mareykanka oo muujinaya in Abiy uu xaalku ku xun yahay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Mareykanka “inay deg deg” uga baxaan magaalada, sababo la xiriira in mucaaradka ay kusoo dhowaanayaan, ayada oo sagaal koox ay ku dhowaaqeen isbaheysi ka dhan ah dowladda. 

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayey uga digtay “in xaaladda amni ee Ethiopia ay tahay mid faraha kasii baxeyso.”

Waxay ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Ethiopia inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Digniinta ayaa timid kadib markii sagaal koox oo ay ku jiraan kooxda Tigray-ga ee TPLF, iyo tan Oromada ee OLA ay Jimcihii ku dhowaaqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu yahay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaaraha Abiy Ahmed.

TPLF ayaa Arbacadii sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay soo gaareen magaalada Kemissie ee gobolka Amxaarada oo 325 km waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. 

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tirsan TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxiixay Washington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Waxaan damacsanahay inaan meesha ka saarno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

Wasaaradda difaaca Ethiopia ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib usoo howlgalaan “si dalka looga badbaadiyo shirqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay kooxda TPLF kahor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Hailemariam, 1991-kii.