MAREYKANKA oo farriin u diray MADAXDA maamul goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay doorashooyinka 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warka kooban ee kasoo baxay safaaradda ayaa waxaa si gaar ah farriin loogu diray madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, iyada oo laga dalbaday inay dardar-geliyaan qabashada doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Safaaradda ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale loo baahan-yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, ayna dhacaan ka hor dhammaadka 2021-ka.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Said Abdullahi, Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Ali Gudlawe yo Madaxweyne Lafta Gareen
si loo dhamaystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan-yahay laguna kalsoonaan karo ka hor dhamaadka 2021. Waa in la dardar geliyo hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow ula socda xaaladda Soomaaliya, wuxuuna si aad ah ula socdaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dib u dhac ballaaran ku yimid doorashooyinka Golaha Shacabka oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, marka la eego jadwalkii hore.

Si kastaba, warka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka dalka.