Wararkii ugu dambeeyey QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan dhanka deegaanka Garasbaaley.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kadib markii ay miinadu qabsatay mooto ay saarnaayeen.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka soo jeeda degmada Afgooye, waxaana ku jiray Macalin aad looga yaqiinay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo waxyar ka hor maray halkaasi, siday ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo howl-gallo kooban ka sameeyey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa inta badan jidka Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha ka fulisa weeraro qaraxyo ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.