Dowladda MAREYKANKA oo $19 milyan ku raadinaysa AFAR ka mid ah madaxda Al-Shabaab + Magacyada

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday akhbaaraad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab.

Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hoggaamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar.

Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axmed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 milyan oo dollar.

Mahad Karate oo magaciisa saxda uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay qeybta amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa Mahad Karate ku raadinaya 5 milyan oo dollar. 

Fu’aad Maxamed Khalaf waxaa la rumeysan yahay inuu yahay fududeeyaha dhanka maaliyadda ee kooxda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay inuu u wareegay dhanka dacwadda ee kooxda. Waxay Mareykanka ku yabooheen 5 milyan oo dollar ciddii usoo gudbeysa aakhbaaraad la xiriira Fu’aad.

Jafar o sidoo kale loo yaqaan Amar, wax xog badan ah lagam hayo hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxa howlgallada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen 3 milyan oo dollar. 

Mareykanka ayaa sababta uu u doonayo madaxdan ku sheegay qaraxyo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya iyo inay “weli wadaan dhaq-dhaqaaqyo halis ku ah ammaanka, nabad-galyada iyo xasilloonida” gobolka.