Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay ‘qorshe ka dambeeya’ ceyrinta Simon Mulongo

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa duray tallaabadii ay dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergayga Midowga Afrika Simon Mulongo.

Geelle ayaa sheegay in tallaabadii ay qaaday Dowladda Soomaaliya aysan wax faa’ido ah kusoo kordhin doonaan Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay.

Geelle oo xaruntiisa ololaha doorashada kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey uu ku fashilmay in uu dadka la wadaago tafaasiil ku saabsan sababta uu u cuskadey go’aankaas.

“Horta tafaasiil badan lagama bixin. Dowladda waxay u muuqataa in ay rabtay in ay rikoor ka dhigto. Hadda kahor diblomaasi kale ayay sidaas u ceyrisay. Diblumaasigaas markii la ceyrinaayey wax sabab ah ma aysan muuqan laakiin wararka hadda dhacay wax xaqiiqo ah oo dowladda ay dadka la wadaagtey ma jiraan,” ayuu yiri Geelle.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallaabadaan ku sheegay mid lamid ah middii Soomaaliya looga ceyriyey Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

“Muhiimadu waxay tahay cayrinta waa meesha ugu dambeysa ee diblumaasiyadda. Habab badan oo loo xaliya ayaa jirta oo wax lagu saxo dowladda waxaa moodaa in ay ka dhacsan tahay hababkaas. Shalay lagama faa’iidin ceyrintii diblumaasigii hore, tanna lagama faa’iidaayo kaliya waxay dhaawacaysaa rikoorka diblumaasiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

“Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay eriday Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasoo ay ku eedeysay in uu farageliyey arrimaha gudaha dalka.

Diblumaasigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u sharaxnaa xilka madaxtinimadda Koonfur Galbeed.