Waa kuma Maxamuud Ugaas? – Soomaaliga ka mid noqday isbahaysiga ka dhanka Abiy?

Washington (Caasimada Online) – Sagaal koox oo ka mid ah mucaaradka Ethiopia ayaa sameystay isbaheysi cusub oo ka dhan ah dowladda, kaasi oo ujeedkiisa uu yahay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abi Ahmed.

Isbaheysiga ayaa waxaa ku jir urur Soomaaliya ah oo lagu magacaabay Somali State Resistance (Muqaawamada Gobolka Soomaalida), waxaana hoggaamiya Maxamuud Ugaas Muxumed.

Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, oo ah halka lagu aas-aasay isbaheysiga ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka loo asaasay uu yahay in “qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxbanaanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu kala tago.”

Waxa uu yiri dhammaan ururada isbahaysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago.

“Waa sagaal qowmiyadood waana sagaalkii awal dagaalami jirtay oo dhargiga la dagaalantay tan Abiy Axmed-na ka hor timid oo doorashooyinka aan gelin marka waxa aan ku dhawaaqnay waa in la badbaadiyo dowladda shacabka oo laga hortago inuu dhaco dagaal sokeeye,” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud waxa uu sheegay in Abiy ay dan ugu jirto inuu wadahadal la galo shacabka gadoodsan ee matalayo isbahaysiga sababtoo ah, “waxa uu garabsaday Amxaaro oo 20 milyan ah marka boqolka milyan ee kale ee Itoobiya ayaa ku mideysan barnaamijkaan.”

“Wadahadalkan ka dib waa inuu si qabow oo nabad-gelyo ah kaga baxo waddanka ama xukunka dhiibo ama xataa dowlad ku meel gaar ah dhiso oo uu yirahdo doorashooyin hala galo oo hala heshiiyo, hadduu sameyn waayana dagaalka Addis Ababa ku wareegeysan yahay hadda dhulka inta kale oo dhan waa la qabtay caasimaddana waa la qabanayaa,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey xiriirka la sheegay inuu la leeyahay ONLF, Maxamuud waxa uu ku jawaabay ONLF waxay xiriir la leedahay cidkasta oo Soomaali ah oo halganta.

Maxamuud oo sidoo ka jawaabay su’aal ahayd in uu ciidamo haysto isaga maaddaamaa ururada kale ee Isbahaysiga ku jira ay haystaan ciidamo oo qaarkood ay haatan dagaal kula jiraan xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in hawshan aysan ciidan keliya u baahnayn oo ay u baahantahay “caqli, farsamo, aqoon, garaad iyo istaraatijiyad haddii loo baahdana waxaa joogta 10 malayan oo Soomaali ah oo haysta hal malyan oo qori oo u baahan in abaabulo oo keliya.”

Mabda’iisa ku aadan TPLF

“TPLF hadda waa waaya arag, dhibaato badan dadka waa ay u soo geysatay, kufsi, dhac iyo dilba wax inooga hiilinaya oo ka hadlayana ma aysan jirin, intii yarayd ee hadda lagu duulay, gabdhahoodii la kufsady oo iskuulada la gubay, adduunka oo dhan ayaa dhawaaqaya laakin hadda TPLF Cadawganaga ayay cadaw u tahay awalba 70 sannadood waxa na haystay Amxaara ayay ahayd, 30 sannadoodna waxaa ina haystay TPLF marka isuma ayna kaaya roonayn,” ayuu yiri Maxamuud.

“TPLF dastuurka ay sameysay qodobka 39 bay ku dartay oo aan horay ugu jirin, xuduudka aynu Soomaali la leenahay ee ilaa canfar, ilaa Mooyaale ilaa Jabuuti, ma aqoonsano amxaara inaan xuduudkaas leenahay marka haddi ay isku keen qabato TPLF iyo amxaaro waxaan aadeeynaa dhanka TPLF oo qeybteena ayay inoo ogol yihiin, iyagana kamaba baryeyne waa waxaan kula midownay inaan xaqeena helno.”

Waa kuma Maxamuud Ugaas Muxumed?

Maxamuud waxa uu ku dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Waxa uu macallin ka ahaan jiray Lafoole ka hor inta aysan dowladdii Soomaaliya burburin.

Markii uu Canada tagayna waxaa sii ahaa macallin. Waxa uu la soo shaqeeyay dowladdii ugu horreysay ee laga dhiso degaanka Soomaalida.

Waxa sidoo kale sii watay waxbarashadiisa ilaa shahaadada PHD.

Waxa uu Dowlad Deegaanka ka soo noqday wasiirka qorsheynta isagoo la soo shaqeeyay 3 madaweyne.

Maxamuud waxa uu muddo shan sannadood la soo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP. Hadda waa aqoonyahan madax-bannaan oo cilmi baare ah.

Isha: BBC Somali