Xiisad uu ku lug leeyahay wasiir Dubbe oo Muqdisho ka taagan iyo beel dacwo ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Cuqaasha iyo Salaadiinta mid kamid ah Beelaha kasoo jeeda Somailand ayaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo cuqaasha beesha.

Odayaashaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiir Dubbe uu leeyahay suldaan gaar ah oo saxiixe ah, islamarkaana aan lagu faragelin suldankiisa, balse uu isaga faragelin iyo xadgudub ku hayo beesha ay iyaga kasoo jeedaan.

Sidoo kale, Odaayash ayaa sheegay inay taageersan yihiin wakaalo kala noqoshada uu Boqor Buur-madow ku sameeyey Maxamed Jaamac Cumar iyo aqbalaada wasaaradda Arrimaha Gudaha,

“Wasiirada inay kala garan waayaan xilalkii loo xil saaray oo ahaa shaqada wasaaradiisa iyo arrimaha dhaqanka waa wax laga xumaado, Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu daganaa Somaliland wuuna kala yaqaan qabiilada waana ayaan darro in waxaan jirin lagu shubo, suldaanka aan keensaneyno iyo midka aan badaleyno labadaba dooqa anagaa iska leh, waxaana anaga rabina cid nagu qasbi karto ma jirto,” ayuu yiri mid kamid odayaashii saxaafadda la hadlay.

“Waxaan nahay odayaasha beesha aadka loo yaqaan ee Habar-jeclo, Wasiir Dubbe wuxuu leeyahay Suldaan, suldaankiisana waa Saciid Diiriye Aadan, waa la yaqaanaa, suldaankiisa maahan Suldaan Boqor Maxamed Jaamac Cumar, waa inuu ka dhex baxo beesha Muuse Abukar sharcigooda iyo sida ay ka yeelayaan kuraastooda,” ayuu yiri mid kale oo kamid ah odayaasha.

Odayaaha ayaa sidoo kale sheegay inay iyaga dacwad ka gudbiyeen suldaankooda, islamarkaana lagu helay dambiyo badan lana soo taagi doono maxkamad sida ay sheegeyn odayaasha.

Hadalka kasoo yeeray odayaashaan ayaa kusoo aadayo xilli uu khilaaf u dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe oo labadaba kasoo wada jeedo Gobolada Woqooyi.

Dubba ayaa dhowaan duray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed ee kursi ka mid ah golaha shacabka, isaga oo dhaliilay inay wejiyada qarsadeen murashaxiinta qaar iyo dadkii codka bixinayey.