Qorshihii Farmaajo, Abiy iyo Isaias Afwerki oo fashilmay

Itoobiya waxay dhex dabaalaneysaa mowjado colaado ah, waxaana is haya Abiy Ahmed oo raadinaya dowlad dhexe oo awooddda oo dhan gacanta ku heysa iyo kooxo diidan dhaqankaas oo ku qeexay awood maroorsi dadban.

Abiy wuxuu sameystay muddo kororsi uu ugu diyaar garoobayo damiciisa uu rabo inuu waqti dheer kusii joogo xafiiska. Damacaas salkiisa hoose wuxuu ahaa dowlad dhexe oo awood leh, waxaana la sheegay inuu aaminsanaa in muddo kororsiga uu u saamixi karo inuu dhiso Itoobiyada uu rabo.

Soomaaliya waxay sidaan oo kale ku sigatay inay colaad qurquriso kadib markii madaxweyne Maxamed Caddullaahi Farmaajo uu isku dayey inuu qaato muddo kororsi laba sano ah, isagoo dhiniciisa ka dabaqaya heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhex maray Wadamada itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Seddexda hoggaamiye ee Farmaajo, Abiy iyo Afwerki waxay ka siman yihiin aragtida Federaal diidka ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Bishii May ee sanadkaan u sheegay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo uu la qaatay kulan gaar ah inuu rabay inuu dhimo awoodda maamul Goboleedyada balse ay ku adkaatay.

Heshiiskii seddex xagalka ahaa ee Abiy, Farmaajo iyo Afwerki wuxuu lahaa seddex waji:

1- Mid waa inay xukunka waqti dheer sii joogaan.
2- Inay dhisaan dowlado dhexe oo awood leh oo la tuuro Federaalka ama daciif laga dhigo nidaamka Federaalka.
3- Dhismaha ciidan aaminsan aragtidooda, intaas kadibna waxaa qorshahooda lagu sheegay inuu ahaa in la dhiso suuq lagu kala faa’ideysto iyadoo Somaliland ay soo aadeyso dhanka Xamar, halka Jabuutina lagu qasbi doono aakhirka inay heshiiska dhankeeda kasoo gasho iyadoo itaalkeedu yar yahay.

Afwerki isaga howshiisa way isku toosneyd, Abiy waxaa ka maqnaa baarlamanka oo furo u noqon karay sharciyada la rabo in la abuuro halka uusan Farmaajo seddexdaba gacanta ku heyn. Sidaas darteed Farmaajo waxaa lagu sheegay inuu ahaa qofka 100% la caawinayey.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu qabsaday baarlamanka Itoobiya, wuxuuna ku qanciyey inuu doorashada dib u dhigo waana ka aqbaleyn, balse waxaa is-casishay guddoomiyihii Aqalka Sare.

Farmaajo sidoo kale wuu aqbsaday Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu eryey guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, balse waxaa ka hor yimid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Markii uu Farmaajo isku dayey inuu dariiqii muddo kororsiga aado oo sida Abiy uu doorashada dib isaga dhigo waxaa qarxay dagaal halis geliyey caasimada.

Sida ay sheegayaan dadka sida dhow ula socday heshiiskaan, wuxuu qorshuhu ahaa in marka Abiy arrintiisa la xaliyo in Farmaajana si buuxda loo garab istaago oo ciidan xoog leh la siiyo, laakiin Abiy Ahmed arrintii ayaa ku cuslaatay oo Tigray ayaa qorshihii fahamtay oo si buuxda uga hortimid.

Dagaal uu ku qaaday meel Addis Ababa u jirta in ka badan 1000Km ayaa maanta soo gaaray in isagii halis ku jiro oo Caasimaddii dhan loo jiro wax ka yar 400Km.

Hoggaamiyaha Eritrea Afwerki wuxuu isku dayey inuu Abiy Ahmed caawiyo, wuxuuna ciidan soo geliyey xuduudaha ay Eritrea la leedahay Gobolka Woqooyi ku yaal ee Tigray, wuxuuna la qabtay Magaalada Mekelle, halkaas oo la sheegay inay xataa ciidan Soomaali ah ka dagaalameen kuwaas oo tababar u joogay wadanka Eritrea ahaana ciidankii loo diyaarinayey inay wax ka fuliyaan heshiiska seddex geesoodka ah.

Garabkii Militari ee Afwerki kuma uusan faa’idin Abiy oo Tigray waa soo rogaal celisay dalkiina wuxuu halis ugu jiraa inuu Maanta gacantiisa ka baxo. Doorasho macmal ah oo uu sameystay xafiiskana uu mar kale ku qaatay ayaa xaaladda uga sii dartay.

Farmaajo wax badan hadda uma tari karo Abiy oo isagaa tiisa heysataa, halka uu Afwerki adduunkii isha ku wada hayo.

Dhanka Madaxweyne Farmaajo saaxiib muhiim ah ayaa ka maqan waana Abiy Ahmed oo la aamisan yahay inuu wax badan u tari lahaa haddii uusan xaaladaan culus geli laheyn.

Seddexda nin qofna ma faa’idin, Afwerki taladiisii laguma faa’idin, Soomaalida iyo Itooniyaankaba way kasoo horjeesteen dowlado dhexe oo kaligeed awoodda heysata .

Qorshihii uu Abiy Ahmed kula soo laabanayey xafiiska waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana ku barakacday Malaayiin, mana cadda inay hadda Itoobiya ka badbaadi karto burbur.

Dhanka Soomaaliya, ciidankii loogu talagalay inay kamid noqdaan kuwa fulinaya heshiiskaan lama hayo raq iyo ruux toona, waxaana soo baxayo warar sheegaya inay qaar badan ku dhinteen dagaalkii lala galay Tigray oo halkaas loo isticmaalay.

Farmaajo kuma guuleysan inuu marsado laba sano oo muddo kororsi sharceysan ah, dagaal ayey qarka u fuushay Soomaaliya.

Dhinaca Itoobiya, maamul Goboleedyadii waa laga adkaan waayey, oo waa kuwa Maanta ku dhow inay qasbadaan caasimaddii, dhanka Soomaaliyana waxaa la jabin waayey Puntland iyo Jubaland.

Ciidankii ay rabeen inay seddexdaan nin wada dhisaan waa la abuuri waayey, dhaqaale xumo baahsan ayaana ka jirta geeska Afrika, dadkiina waa diideyn aragtidaan afduubka ah.

Waxay ka dhigan tahay inuu saqiiray mashruucii Abiy, Farmaajo iyo Afwerki, waxaana tan laga baran karaa in aragtida xoogga iyo kaligii talisnimadu aysan hadda ka hirgeli karin Geesk Afrika.

Itoobiya iyo Soomaaliya labaduba Manta dowlad ahaan waa dansan yihiin mana socdaan wax shaqo ah oo macno leh, waxaana dhibaatadaan loo arkaa inuu maskaxdeeda leeyahay hoggaamiyaha Eritrea Afwerki.

Si walbaba, mashruucii seddex xagalka waa Meyd bari, lamana yaqaan xilliga ay seddexda nin iska aasi doonaan oo ay lasoo bixi doonaan fikrado ka gadmi kara shacabkooda.