Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BOOSAASO, kadib qaraxyo ka dhacay

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howl-gallo ballaaran ka wada gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo oo xalay ka dhacay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya inay ciidamadu isku ballaariyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan Boosaaso, isla-markaana ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo raggii fuliyey qaraxyadaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanadu, isla-markaana ay shaacin doonaan natiijada, marka ay soo idlaadaan howl-gallada haatan socda.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo bam ahaa ayaa waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal ruux, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yiraahdo Muwaafaq, balse ma geysan khasaare, sida ay laga soo xigtay saraakiisha.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga magaaladaas oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada.

Si kastaba, Boosaaso ayaa waxaa dhinaca kale weli ka jirta xiisad dagaal oo u dhexeyso xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaasi.