Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda caafimaad ee ra’iisul wasaare Nuur Cadde

London (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad ee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa soo wanaagsanaaneysa kadib markii cudurka Coronavirus uu ku haleelay magaalada London.

Nuur Cadde ayaa cudurka wuxuu ku dhacay 8 maalmood ka hor, taasi oo keentay in isbitalka la dhigo. Nuur Cadde ayaa qaba xanuunka sonkorta, oo la sheegay in dadka qaba ay kusii badan tahay halista Coronavirus.

Si kastaba, Nuur Cadde ayaa lagu warramayaa in hadda uu soo kabanayo, islamarkaana uu awoodo inuu suuliga aado, sidoo kalena uu tukado, oo uusan ku jirin xaalad deg deg ah, sida uu sheegay wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde.

Sidoo kale wiil uu dhalay Nuur Cadde oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira isbitaal ku yaala magaalada London, kaasi oo isna la sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale, Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa beeniyay, oo wax lagu xumaado ku tilmaamay, warar saacadihii la soo dhaafay lagu qoray baraha bulshada oo ah inuu geeriyooday Nuur Cadde, isagoo xusay in waqtigiisa uu dhimanayo, balse aanay xaaladiisa aheyn mid si aad ah u liidata.

Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf.

Cudurka Coronavirus ayaa guud ahaan magaalada London ku saameeyey 16 qof oo Soomaali ah, ayada oo qofkii 4-aad oo Soomaalida ka mid ah uu xalay magaaladaas ugu geeriyooday cudurkan.