Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda ERDOGAN

Ankara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Turkiga ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu dib ugu laabtay xafiiskiisa shaqada kaddib markii uu maray baarista Covid-19 oo uu dhaqtarkiisa u xaqiijiyay in jirkiisa laga waayay.

Erdogan & Marwadiisa waxaa todobaadkii hore laga helay Covid-19, waxa ay gurigoodu ku galeen Karaantiil oo ma tagin xafiiska shaqada sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Turkiga balse maanta ayuu dib ugu laabtay xafiiskiisa.

Dr Serkan Topaloglu oo ah dhaqtarka gaarka ah ee Madaxweynaha Turkiga ayaa Wakaaladda Wararka Anadolu u sheegay in Khamiistii uu Erdogan uu maray baarista hubinta Covid-19 sidaasina jirkiisa looga waayay Fayruska ku dhacay.

“Hubinta Baarista Covid-19 ee Madaxweyne Erdogan waxa aan ku xaqiijinay in fayruska jirkiisa uu ka baxay waxaana uu sameeya soo kabasho degdeg ah Jimcaha ayuu shaqadiisa dib ugu laaban doonaa” ayuu yiri Dr Serkan Topaloglu.

Recep Tayyip Erdogan ayaa shacabkiisa ugu baaqa in ay qaataan tallaalka Covid-19 sidoo kale ay raacaan tilmaamaha loo arkay in looga hortagi karo faafitaanka Fayruskaan oo galaaftay nolosha Dad badan tan iyo markii uu kasoo ifbaxay Shiinaha.