Xaalad adag oo ka taagan magaalada BARAAWE

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo warinaya inay ka taagan tahay xaalad aad u adag oo dhanka caafimaadka, ayada oo maalintii labaad lagu qabtay doorashada kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka.

Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa laheyn gawaarida gurmadka deg deg ah, taasi oo sababta in bukaanada qaarkood ay u geeriyoodaan dhiig bax badan.

Dhakhaatiirta ka howl-gasha magaalada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in Ambulance la’aanta ka jirta Baraawe ay tahay mid halis weyn ku ah bulshada ku nool, maadama bukaanada isla markiiba la soo gaarsiin karin Isbitaalka.

“Maanta waxaa inoo imaatay Gabadh xaamilo ah oo illaa shalay foolaneysay, nasiib darro waxaa ku dhacay dhiig bax saa’id ah, waxaana loo waayay wixii lagu soo qaadi lahaa. Inta aan joogno xarumaha caasimad ee degmada dhibaatadaas aad ayey u soo noq-noqotay,” ayuu yiri mid kamid ah Dhaqaatiirta ka howl-gasha Baraawe.

Arrintan ayaa kamid dhibaatooyin dhowr ah oo ka taagan magaaladaas, ayada oo hore u ballan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha in Baraawe ay heli doonto gawaarida gurmadka deg deg ah, xilli uu booqday, hase yeeshe illaa hadda ma jirto wax gaaray.

Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, waxaana illaa maanta lagu doortay 13 xildhibaano.