SABABTA ay mar kale dib isugu soo dhowaanayaan dalalka ISRAEL iyo TURKEY

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa dalkiisa ku casuumay dhiggiisa Israel Isaac Herzog, taasi oo tusmeyneysa isu soo dhowaanshaha labada dal oo ay dhalisay dano awood badan oo ka dhaxeeya, oo ay qeyb ka tahay walaac ay ka qabaan barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo mustaqbalka shidaalka iyo gaaska laga soo dhoofiyo Ruushka.

Xiriirka muddada dheer xumaa ee Turkey iyo Israel ayaa qabowgi ka dhashay ay qarqar-yadiisa si qoto-dheer u taabatay jaaliyadda yar ee Yuhuudda ah ee ku nool Turkiga.

Kumannaan ka mid ah bulshada laga tirada badanyahay ee Yahuudda Turkiga ayaa u hayaamay Israel iyo Yurub, kaddib marki ay eedeymo is-daba-joog ah kala kulmeen wargeysyada Turkiga ee u janjeera dhinaca dowladda.

Laakin casuumadda uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan u fidiyay dhiggiisa Israeli Isaac Herzog, ayaa loo arkaa qeyb ka mid ah dadaallada uu ku doonayo in dalkiisa uu ka qaado go’doominta Israel ee mandiqadda, taasoo ay dadka wax taxliiliya ku sheegeen mid horseedi karta dib u qaabeyn.

“Waxay u muuqataa in Turkigu aanu dhab ahaantii aanu kaligiis ahaan karin, xiriir xun lama lahaan karo ku dhawaad dal kasta oo ku xeeran. Shaki iigama jiro in Turkigu uu dhinaciisa aad u doonayo in uu hagaajiyo calaaqaadka. Sida aan horay u sheegay, waxaa iga yaabinaya ayaa ah in Israa’iiliyiinta ay goobta ku soo boodayaan si shuruur la’aan ah,” waxaa sidaas yiri Soli Ozel oo maaddada xiriirka caalamiga ah ka dhigaa Jaamacadda Kadir Has University ee magaalada Istanbul.

Sannadki 2018-ki, Turkiga ayaa safiirkiisii kala soo baxay Israel, islamarkaana weydiistay danjiraha Israel inuu ka tago Anaka, arrintaas oo uu Turkigu ku muujinayay go’aankii uu Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Taageerada xooggan ee Turkiga uu siiyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan martigelinta mintidiinta Xamaas ee Istanbul, ayaa ahayd qodobka ugu muhiimsan ee xiisadda.

Balse falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Ankara ay qaadayso tillaabooyin ay wax kaga qabanayso walaaca Israel.

“Waxaa jiray bilooyin wada-hadallo ah, in ka badan hal sano. Waxaan dhihi karaa Turkigu mar hore ayuuba hakiyay dhaq-dhaqaaqyada in badan oo ka mid ah garabka mayalka adag ee Xamas,” waxaa sidaas tiri Asli Aydintasbas oo xubin sare oo ka tirsan Xiriirka Dibadda ee Golaha Yurub.

Turkey ayaa Israel la wadaaga walaaca ah in barnaamijka niyukleerka Iran uu isu baddalo hub. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in taasi ay waddada u xaari karto aragti mideysan oo arrintani ka qaataan labada dhinac.

“Dabcan, Turkiguba ma rabo inuu arko Iran oo ku hubeysan niyukleer. Laakin Iran uguma hanjabin Turkiga in ay ka tir-tireyso khariiradda sida ay ugu hanjabtay Israel. Sidaasi daraadeed, farqi ayaa u dhaxeeya heerka khatarta. Laakin, haddii ay Israel dajiso xiisadda Turkiga, markaa waxay fursad u heli doontaa in ay diiradda saarto khatarta weyn. Waay ila tahay in dejinta xiisadda Turkiga ay halkaasi ka caawin karto,” ayey tiri Gallia Lindenstrauss oo ah khabiir ku takhasustay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Israel, oo ka tirsan Machadka Daraasadka Amniga Qaranka ee ku yaalla Tel Aviv.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale u arka gaaska dabiiciga ah ee ballaaran ee sannadihi dhawaa ay heshay Israel uu yahay il muhiim u noqon karta iskaashiga labada dhinac, marka loo eego baahida Turkiga ee dhinaca tamarta.

“Dhab-ahaantii Turkigu wuxuu u baahanyahay gas, waxana u maleynayaa in jawaabtu ay noqon karto gaaska laga soo saarayo ceelka Leviathan ee loo qorsheeyay in la dhoofiyo. Waxay sidoo kale taasi hagaajin kartaa xiriirka isla markaana jebin kartaa go’doominta Turkiga ee Bariga Midhitareeniyaanka,” ayuu yiri Mehmet Ogutcu oo ka mid ah Naadiga Tamarta ee Lonodon.

Inkasta oo ay muddo sannado aad u sarreeysay xiisadda labada dhinac, haddana, xiriirka ganacsi ee Turkiga iyo Israel ayaa ahaa mid wanaagsan. Dadka ka faallooda mandiqadda ayaa sheegaya in isu soo dhawaasha labada dhinac ay fursad wanaagsan u noqon karto soo laabashada xiriirka caadi ah oo ay yeeshaan.