Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Muqdisho iyo wadooyinka oo xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka iyo diyaar garow ku aadan xafladda caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa saaka kusoo waabariistay jidadka oo xiran, kadib markii lagu soo daadiyey ciidamo Boolis ah oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa guud.

Ciidamada ayaa wadooyinka ka celinaya gaadiidka dadweynaha, kan gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka Bajaajta, taas oo saameyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Isbitaalka Xooga, Sheekh Cali Suufi,  Isgoyska Banaadir, Soobe, KM4, Wadada 21 Oktoobar iyo jidka dheer ee Maka Al-Mukarama.

Arrintan ayaa si gooni saameyn ugu reebtay ardayda, dadka u socda shaqooyinka maalinlaha ah, kuwa aadaya goobaha iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa ganasiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta loo xiray jidadka ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya maanta ku tegayo wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa laba jibaaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkii ugu dambeeyey xalay laga sameeyey degmada Wadajir oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo ciidanka la dagaalamay.

Si kastaba, xaalada guud ayaa haatan degan, marka laga reebo xirnaashaha waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kadib ciidamada iyo gaadiidka dagaal ee lasoo dhigay.