Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda la xiriirta Qatar ee ruxday Midowga Yurub

Brussels (Caasimada Online) – Xildhibaanadda reer Greece ee xudunta u ah fadeexadda musuq-maasuq ee ruxday Baarlamanka Midowga Yurub, taasi oo lala xiriirnayo dowladda Qatar ayaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo kahor inta laga maxkamadeynayo, waxaa sidaas sheegay dacwad-oogayaasha.

Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid aheyd afar tuhunsane oo horraantii bishan ay xireen booliska Belgium.

Waxa ay ku dooday in aanay wax dambi ah lahayn, waxayna codsatay in la ogolaado in lasii daayo oo korjoogteyn lagu hayo – codsigaas oo laga diiday.

Qareenkeeda Andre Risopoulos ayaa u sheegay AFP inaysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka, taasi oo ka dhigan inay xabsiga kusii jiri doonto ugu yaraan hal bil inta ay baaritaanada socdaan.

Risopoulos ayaa weriyayaasha u sheegay kahor go’aanka maxkamadda, in Kaili “ay la shaqeyneyso” baarayaasha Belgium ayna diyaar u aheyd in dhaq-dhaqaaqyadeeda lagula socdo hab elektoronik ah, haddii xabsiga laga sii daayo.

Kaili, oo ah suxufi hore, islamarkaana laga xayuubiyey xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub kadib howlgal ay booliska fuliyeen bishan, ayaa noqotay xuddunta kiiska musuq-maasuq ee la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inaysan wax kaalin ah ku laheyn wax khalad ah.

Qareenka kale ee Kaili, Michalis Dimitrakopoulos ayaa Arbacadii sheegay inay aad u murugsan tahay “ayna dhibtooneyso” islamarkaana uu khiyaamay lamaanaheeda Francesco Giorgi oo sidoo kale eedeysan.

Kaili ayaa booliska Belgium ay xireen 9-kii December, waxaana gurigeeda laga helay 1.5 milyan oo Euro. Tuhunka ayaa ah in lacagtaas ay bixisay dowladda Qatar, si ay saameyn ugu yeelato go’aanada baarlamanka Midowga Yurub, eedeyntaas oo Qatar ay beenisay.

AFP, VOA