Wararkii ugu dambeeyey Israel oo duqeysay GAZA

Tel Aviv (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa sheegay in ay xalay xiligii dambe madaafiic ku garaaceen bartilmaameedyo ay Gaza ku leeyihiin ururka Xamaas.

Weerarka duqeymaha ayey Israel ku sheegtay mid jawaab u ahaa buufinno holcayay oo ay Xamas u dirtay Koonfurta Qudus, kuwaasi oo sababay dab ka kacay beeraha Koonfurta Israel.

“Waxaa diyaar u nahay xaalad kasta oo timaada, oo dagaal ayna ku jiraan kooxaha Marinka Gaza,” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay Israel.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in duqeymaha Israel ay la eegten xero tobabar ku qaadanayeen dagaal yahanada Falastiiniyiinta, oo dagaal adag kula jira Yuhuudda.

Xiisadaha cusub ee labada dhinac ayaa imanaya kaddib markii ay Talaadadi shalay kumannaan Israa’iiliyiin mayal adag oo ruxayay calamo ay socod ku mareen qeybo ka mid ah Bariga Qudus oo ah halka ay degaan Falastiiniyiinta ugu badan ee ku nool dhulka la heysto.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Israel ay ka geysato Marinka Gaza, tan iyo markii xabad joojintii ay soo afjartay 11-maalmood oo dagaal ah bishii hore.