ROOBLE oo ballan-qaaday daryeelka dhalinyarada ku dhaawacantay qaraxii shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay isbitaalka Madiino ku booqday dhalinyaradii ku soo dhaawacantay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa mid mid u dul-tegay dhalinyaradan oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarkii xerada General Dhega-badan, xilli ay doonayeen inay ku biiraan ciidamada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Rooble ayaa sidoo kale maamulka isbitaalka si gaar ah kala hadlay daryeelka iyo daaweynta bukaanadaasi oo ay xukuumaddu ballan qaaday inay ka war heyn doonto.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu maamulka Isbitaalka kala hadlay daweynta Bukaannada oo si gaar ah ula soconeyso Xukuumadda, waxaana u rajeyneenaa Caafimaad degdeg ah in uu alle siiyo” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomnaaliya oo ka mid ah xubnaha booqashada ku wehlinayey Rooble.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isla-markaana ay sheegtay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Weerarkan ayaa noqonayo kii labaad oo is-miidaamin ah oo lagu qaado xerada tababarka ciidamada ee General Dhega-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.