Wasiirada iyo xildhibaanada Puntland oo qorshe ka dhan ah Deni ka billaabay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga da’da yar ee madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u arko inuu caqabad ku yahay siyaasadiisa iyo maamulka uu hoggaamiyo ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay shirar uu la yeelanaayo wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, kuwaasi oo xusul duub ugu jira inay xajistaan mar kale kuraastooda doorashada soo socoto.

Kulamadaan ayaa ah is xulufeysi siyaasadeed oo ay wasiirada iyo xildhibaanada Puntland kala sameynayaan siyaasiga da’da yar ee Asad Cismaan Diyaano oo miisaan culus ku leh siyaasadda Puntland iyo dhinaca awooda ciidan ee Puntland, waana gogol xaar u ah ka hadalka arrimaha doorashooyinka iyo is-xulufeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulamadaasi looga hadlay sidii si wada jir ah ah la isaga kaashan lahaa arrimaha doorashooyinka heer xildhibaan iyo in la abuuro isbaheysi ka dhan ah madaxweynaha Puntland oo xusul duub ugu jira in doorashooyinka xildhibaanada labada aqal damacsan in ay kusoo baxaan xubno taabacsan.

Caasimada Online ma xaqiijin karto in kulamadaan u dhaxeeya Asad Diyaano iyo xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ay Villa Somalia ay taagereyso, hase ahaatee waxaa cad in xifaaltan siyaasadeed uu ka dhaxeeyo Asad Diyaano oo miisaan culus ku leh siyaasadda Puntland iyo Madaxweyne Saciid Deni.

Asad Diyaano oo ah siyaasi dhalinyar waa wiil uu dhalay agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland PIS Cismaan Diyaano oo geeriyooday, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom oo taageera sirdoonka Puntland.Doorashadii Puntland ee January 08, 2019 oo Asad Diyaano iyo Saciid Deni aad ugu tartameen ayaa waxaa afar cod kaliya looga guuleystay Asad Diyaano oo helay 31 cod halka Saciid Deni uu ka helay 35 cod.

Ali Muhiyaddiin Ali
Caasimada Online