Pentagon-ka Mareykanka oo diyaarinaya hindise cusub oo ku saabsan Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa hormarineysa hindise cusub oo tobaneeyo tababarayaasha ciidamada gaarka ah dib loogu dirayo Soomaaliya, lix bilood kadib markii uu kasoo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas qoray New York Times.

Hindisahan ayaan weli loo gudbin Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III, sida ay sheegeen saraakiisha, mana cadda haddii madaxweyne Biden uu ansixin doono qorshahan.

Qorshahan ayaa sidoo kale wajahaya cabaqado ay ka mid yihiin dood siyaasadeed ka taagan haddii ay tahay in la horumariyo xeerar cusub oo la xiriira ficillada tooska ah ee ka hortagga argagixisanimada, sida duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha drone-ka.

Biden ayaa markii uu xukunka qabtay wuxuu xadiday howlgaladaas, illaa laga hormariyo siyaasad cusub. Militariga ayaa xilligii Trump haystay fasax ay ku fulin karaan howlgal kasta oo loo arko muhiim ayaga oo aan fasax soo dalban, hase yeeshee waxaa taas joojiyey Biden oo qasab ka dhigay in howlgal kasta la ansixiyo si loo yareeyo khasaaraha shacabka soo gaara.

Wixii markaas ka dambeeyey Aqalka Cad ayaa diiday codsiyo dhowr ah oo ka yimid taliska AFRICOM oo Soomaaliya looga fulin lahaa duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, sababtoo ah ma aysan buuxin xeerarka cusub, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo la hadlay New York Times.

Inta badan 700 oo askari oo Mareykan ah oo Soomaaliya laga soo saaray bishii Janaayo ayaa la kala geeyey Kenya iyo Jabuuti, halkaasi oo saldhig u ah diyaaradaha drone-ka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan qiyaastii 100 sarkaal oo Mareykanka oo gacan ka gaysta isku ururinta xogaha ay soo gudbiyaan diyaaradaha daba-galka ee dusha kala socda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Hase yeeshee, tijaabooyin ay sameeyeen militariga Mareykanka oo hab online ah ay tababarka u siinayaan ciidamada Soomaaliya ayaga oo jooga Kenya iyo Jabuuti ayaa noqday kuwa aan wax ku ool aheyn.

Waxay taasi qasabtay in saraakiisha AFRICOM ay sare u qaadaan booqashooyinkii ay ku tagi jireen Soomaaliya, oo laga dhigay maalinle, halka markii hore ay ka ahaayeen toddobaadle.

Saraakiisha ciidamada gaarka ah ayaa sheegay in haddii aan la heli joogitaan joogto ah oo Soomaaliya ah, inay wiiqmi doonto wax ku oolnimada iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.