Wararkii ugu dambeeyey KHASAARAHA ka dhashay QARAXII maanta dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Weydow, sida ay sheegeen dad goobjooagayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaartay illaa saddex qof, kuwaas oo loola soo cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka caasimada oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in gaariga ay wateen ciidanka dowladda uu ka badbaaday qaraxa, islamarkaana ay hadda wadaan baaritaan ku aadan qaraxaasi.

Ciidamada ammaajnka ayaa sidoo kale muddo kooban hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, inkastoo markii dambe dib loo furay.

Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo miino lala eegtaa xilliyada ay u socdaalayaan gobollada Shabeelooyinka ee dariska la ah caasimada.