SOMALILAND oo war lama filaan ah ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka Soomaaiya, kadib heshiiska ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ku gaareen Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dowlad madax banaan, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Somaliland ayaa qoraalkan ku war-gelisay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Beesha Caalamka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale dowladda federaalka oo ay ku tilmaamtay mid taag daran uga digtay sheegasho ay sheegtay inay wado.

“Waxaanu nahay dowlad madax bannaan oo aan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa ugu baaqday shacabkeeda inay muujiyaan feejigaan dheeri ah oo ku aadan hagar-daamo ay sheegtay inay wado dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garoobeyso doorashooyinka 2020/2021, waxaana heshiiska la gaaray ku jira in xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka lagu dooranayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.