Bile Cali Diini oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta wiil dhalinyaro ku ahaa ku dilay xaafadda Soona-key ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka loo yaqaano Bajaajta.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu markii hore askariga soo qaaday, kadibna la sheegay inuu toogtay isaga oo mootada saaran.

“Wiilka Bajaajlaha ah ee la dilay askariga oo waddada dhinaceeda taagnaa ayaa ka codsaday inuu qaado waana uu qaaday, balse markii ay marayaeen xaafada Soonakeey uu Askariga rasaas ku furay sidaasina uu ku dhintay darawalkii Mootada.” ayuu yiri qof goobjooge ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dilkaasi uu goobta ka basaday, waxaana Meydka marxuumka meesha qaaday ehelladiisa.

Allaha u naxariistee marxuum Bile Cali Diin ayaa ahaa Aabe leh labo Xaas, wuxuuna sidoo kale dukaan ku lahaa xaafadda Soona-key ee degmada Hodan.

Ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa inta badan dilal u geysta shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.