Axmed Madoobe oo si ka duwan Farmaajo uga hadlay heshiiska doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska doorashooyinka ee ay gaareen dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiiskaas uusan xeer aheyn, wuxuuna tilmaamay in uusan u baahneyn in la asixinyo ama la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in go’aanada ka soo baxay shirkii Muqdisho kaliya lagu gaaray xalka ugu dambeeya ee lagu gali karo doorashada 20/21.

“Waxaad ogaataan in heshiiskaas uusan xeer aheyn balse uu yahay xalka ugu dambeeya ee aan isla aragnay oo doorasho lagu geli karo, una baahneyn in la ansixiyo.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horey u sheegay in heshiiska doorashooyinka la hor geyn doono Golaha Shacabka, si ay uga doodaan, una meel-mariyaan heshiiskaas oo saldhig u ah doorashada soo socota.

Si kastabaha ha’ahaatee madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadur ayaa dhowaan isku raacay 15 qodob oo ku aadan doorashooyinka.