Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarka hotel Xayat oo ay ku jiraan Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan muddo ka badan lix saac oo xiriir ah, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo badan.

Al-Shabaab ayaa hotelka, oo ku yaalla agagaarka KM4, waxay weerar ku billowday qaraxyo baabuur ku qaadeen abaare 7-dii habeennimo iyo dhowr daqiiqo, waxaana kadib galay maleeshiyo ka tirsan kooxdaas.

Waxaa hadda soo baxaya xogta khasaarihii ugu horreeyey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 10 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dadka Hotelka ku dhintay ee aan magacyadooda helnay waxa ka mida: Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale. 

Dadka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo ka mid ahaa ciidankii u gurmaday hoteelka. 

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan banaanka hotelka ayaa hub culus ku garaacaya hoteelka, ayada oo ay adag tahay in kooxda Al-Shabaab laga saaro. 

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoteelka ku dhex dishay in ka badan 20 qof, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxdan.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.