Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo cadaadiska lagu hayo Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland ay kulamo aan loo kala kicin ku leeyihiin madaxtooyada maamulka Jubbaland ee magaaladaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdullahi Luga-dheere iyo guddoonada baarlamaanka maamulkaas ayaa xalay ilaa maanta kulamo aan loo kala kicin kuleh magaalada Kismaayo.

Kulamadaan ayaa looga arinsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shuruud ay Beesha Caalamku hor dhigtay hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland.

Kismaayo waxaa kale oo ku sugan xubno ka socday Beesha Caalaka, kuwaas oo gaaray maalmo ka hor, waxaana la sheegay in madaxda Jubbaland ay ku war galiyeen fariin guud oo ay uga sideen taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya, taasoo ah in marnaba aysan Beesha Caalamku aqbaleyn doorashadii 22-kii August ee sanadkan ka dhacday magaalada Kismaayo ee markii seddaxaad dib loogu doortay Madaxdeyne Axmed Madoobe.

Madaxda sare ee Jubbaland sida madaxweynaha, ku xigeenadiisa, guddoonada baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulamo soo bilaawday galinkii dambe ee shalay uga arinsanaya waxii ay ka dhihi la haayeen jawaabta ay ka sugeyso Beesha Caalamka ee ah in aysan aqbal aheyn doorashadii dhacday sidaas darteedna ay ogolaadaan in la qabto doorasho kale.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo naga dalbaday in aanaa adeegsan magaciisa iyo codkiisa ayaa xaqiijiyay arintan waxa uuna sheegay in hoggaanka Jubbaland ay haatan ka baaraan degayaan wixii ay ka dhihi la haayeen jawaabta laga sugayo.

Lama oga go’aanka ka soo bixi doona kulamada madaxda sare maamulka Jubbaland, sidoo kale Xildhibaanka noo waramay ee ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in uu saadaaliyo waxa ka soo bixi kara kulamada iyo waxa ilaa hadda la isla meel dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo, wixii xilligaas ka dambeeyana waxaa marba marka ka dambeysa cadaadis iyo culeys siyaasadeed ay ku waja heysay maamulka Madaxweyne Madoobe iyo gobolada uu ka arrimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com