Cali Geedi oo digniin kasoo saaray xiisada u dhaxeysa dowlada iyo madaxdii hore

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaalada siyaasadee ee xilligaan ka jirta dalka iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & jawaabtii dowladda.

Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab weyn ka qaadeen hadaladii asbuucyadii ugu dambeeyey kasoo baxayey Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

“Waxaa ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee madaxda ka ah xisbiyada ee dalkaan soo hoggaamiyay waqtiyo kala duwan inay yareeyana xasaradaha dhibaatooyinka shacabka dhibsanaya oo u keeni kara niyad jab ay ka niyad jabaan dowladnimo soomaaliyeed, shacabka uma dulqaadan karo, mas’uuliyadda waa la wadaagaa, erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka siyaasiyiin saaxibo ah, walaalo ah oo aan looga baahneyn inay sidaas u dhaqmaan”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Cali Geedi ayaa sheegay in lawada ogyahay dhibaatada laga soo maray dhisitaanka Dowlad Soomaaliyeed kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu sheegay in Maanta ay kaliya tahay in la gargaaro dadka dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha wabiyada lana joojiyo hurinta colaadaha.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xurmeyso madaxdii hore ee dalka, isla markaana dhowrto mansabka ay leeyihiin.

“Dowladda Soomaaliya ee hoggaanka Mas’uuliyiinta ah waxaa laga rabaa inay madaxdii ka horeeyay soo dhoweeyaan inay xurmeeyaan, inay mansabka ay leeyihiin ee qaranka shaarkiisa horay u soo howdeen inay ku dhowraan ayaa laga rabaa, maadaama aanay boqoortooyo ah oo berri xukunka ka degi karaan una baahan karaan in iyagana la xurmeeyo”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya inay yareeyaan xasaradaha iyo waxyaabaha ay Shacabka dhibsanayaan,isla markaana Shacabka u dul qaadan karin hadallada kazoo yeeraya Siyaasiyiinta iyo Madaxda Xisbiyada.

Ugu Dambeyntii Cali Geedi ayaa ku baaqay in la wada sugo Xilliga doorashada isla markaasna cid kasta ay la timaado markaas waxa ay heyso.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Cali Geedi


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com