Isbahaysiga beelaha dega gobolka Bari oo go’aanno xasaasi ah soo saaray

Boosaaso (Caasimadda Online) – War murtiyeed kasoo baxay Isbaheysiga Beelaha Gobolka Bari ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey deegaanada Maamulka Puntland.

War Murtiyeedka ayaa looga hadlay weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland iyo xil ka qaadistii la sheegay in lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo hadda isaga tagay Magaalada Garoowe.

Maamulka Puntland ayuu ishabeysiga ku eedeeyey inuusan ku dhaqmin Dastuurka u yaalo maamulkaas taasina ay caqabad ku tahay horumarkii la filayey in la gaarsiiyo Dadka Puntland.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

 Date11/11/2019

War-Murtiyeed ka soo baxay Isbahaysiga Beelaha gobolka Bari

Xaaladda Maanta ay ku sugan tahay Puntland

Maamulka Puntland oo 21-jirsaday waxaa u degsan dastuur iyo shuruuc haddii la xurmeeyo, si hufanna loogu dhaqmo waxaa hubaal ah in la mahdinayo, dalkanna la agarsiin karo horumar dhinac walba ah.

Nasiib darro weli lama gaarin himiladii ay reer Puntland ku taamayeen, maxaa yeelay xukuumadihii isaga dambeeyey hogaanka dalka ayaa ku guul darreystay inay hirgeliyaan aaladda dhabta ah ee bulsho horumar lagu gaarsiin karo, taasoo ah hannaanka axsaabta badan iyo tartanka furan ee siyaasadeed oo ku saleysan hal qof iyo hal cod,

Xukuumadihii isaga dambeeyey Puntland halkii laga rabey inay xilkooda u gutaan si dastuurka iyo sharciga waafaqsan, waxay dhaqan ka dhigteen in ay dadka u garba duubaan in lagu negaado nidaam beeleedka lagu fashilmay, lagana dhaxlay eexda, musuqmaasuqa, caddaallad darrada, sed-bursiga iyo boobka hantida ummadda Puntland. Sidoo kale waxay adeegsanayaan xeelad, caburrin, cadaadis iyo xukun maroorsi.

Ku dhaqan la’aanta dastuurka wuxuu dheliyey in koox gaar ahi ay awooda dowladnimo u adeegsato si gaar ah, waana arrinta keentay  in dadweynaha ay dareemaan shaki, tuhun iyo kalsooni darro laga qabo hannaanka maamulka Puntland. Sidoo kale nidaamkaasi wuxuu dhaawacay is aaminaadii, isbahaysigii iyo is walalaysigii ay dadweynaha reer Puntland ku soo caano maaleen, caqabado bandanna kaga soo gudbeen.

Isbahaysiga beelaha gobolka bari markii uu si dhab ah u qiimeeyey duruufahan ka jira Puntland waxay arkeen in ay xaaladeedu aad u culus tahay oo haddii ay waayo hore ka duwaneyd qeybaha kale ee Soomaaliya manta waxay ku sugan tahay xaalad iyo marxalad aad u fool xun, taariikhda soomaaliyanna meel xun ka geli doonta, haddaan la helin ehel ka samata bixiya. Waana arrinta keentay in la yagleelo Isbahaysiga Beelaha gobolka Bari iyagoo u arka in go’aankaasi uu yahay gudasho mas’uuliyad taariikhi ah iyo waajib wadaninimo.

Yoolka Isbahaysiga beelaha gobolka Bari waa gaaris bulsho mideysan oo caddaallad, sinaan iyo horumar harsanaysa, waxaynna ku miditayaan asteenta nidaam dowladeed oo bedela xaqiiqada hadda ka jirta Puntland, taasoo ah dal hodon ah oo dadkiisu yahay sabool.

Weerarkii  iyo Xil ka qaadistii caddallad darrada aheyd ee guddoomyaha Baarlamaanka Puntland

Waxaan cambaareynaynaa, kanna xunahay haddaanu nahay isbahaysiga beelaha gobolka Bari falkii foosha xumaa ee lagu weeraray hoolka baarlamaanka Puntland iyo xil ka qaadistii sharci darrada aheyd ee lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo dared) iyadoo si ula kac ah loo baalmaray dastuurkii dalka u degsanaa iyo xeer hoosaadkii baarlamaanka Puntland.

Horaa waxaa loo yiri “Ninna caadadii ma daayo, bahalna ceyriin ma daayo’ xikmadaas oo loola jeedo in xildhibaanadii baarlamaanka Puntland oo horay xoogaa lacag ah ku ansixiyey iyagoon arag heshiiskii dhexmaray  shirkadda DP-WORLD oo ka diiwaan gashan imaraadka carabta iyo dowladda Puntland, shirkadaas oo lagula heshiiyey in lagu  wareejiyey dekadda Bosaaso.

La yaab malaha in isla xildhibaanadii oo lacag la siiyey in ay si sharci darro ah xilka uga qaadaan Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland, tallabadaas oo dhaawac weyn iyo qalqal u geysatay xasiloonindii iyo amnigii guud ee deeganada Puntland. Sidoo kale dhacdadaasi waxay dhaawac u geysatay midnimadii iyo wadajirkii beelihii isu bahaystay dhismaha maamul goboleedka Puntland.

Haddaba, isbahaysiga beelaha gobolka bari wuxuu ku baaqayaa in dhamaan dadka waxgaradka, aqoonyahanka,cullimaa’udiinka, haweenka iyo dhalinyarada reer Puntland isugu yimaadaan shirar guud oo lagu samata bixinayo laguna badbaadinayo Puntland.

Wabilaahi towfiiq

Waxaa soo diyaariyey guddiga qoraalka ee Isbahaysiga beelaha gobolka Bari

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com