Taliyihii degmada Kaxda oo maanta xilka laga qaaday kaddib dilalkii qabiileysnaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Kaxda.

Xog ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa in sababta xilka looga qaaday Taliyaha ay tahay arrimo amni darada ah ee ka taagan Degmada Kaxda.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan.

Taliyaha xilka laga qaaday ee Kaxda ayaa awood u yeelan waayey inuu xaliyo dhibaatada amni xumo ee ka taagan degmadiisa.

Sida xogta ku helnay maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in taliye cusub loo magacaabo Degmada kaasoo la filayo inuu noqdo mid xal u keeni karo dhibaatada amni ee ka jirto halkaas.

Seddex Maalin ka hor ayey aheyd markii degmada Kaxda lagu dilay ilaa 4 qof halka Shan kalana lagu dhaawacay kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dadkaas ku sugnaayeen.

Arrintaan ayaa loo aaneynaa inay la xiriirto aano qabiil ,iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay degmada Kaxda ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed, waxaana la sheegay in beelaha ay kala wataan laba ciidan oo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com