Wararkii ugu dambeeyey mooshinka iyo Jawaari oo codad…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda loolankii ugu danbeeyay ee u dhexeeya Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiyaha.

Guddoomiye Jawaari oo ku jira maalmihii ugu danbeeyay ee fursadiisa ayaa dadaal badan ku bixinaaya sida uu uga dabaalan lahaa Mooshinka la filaayo in loo codeeyo dhamaadka asbuucaani.

Gudoomiye Jawaari oo og saameynta Xildhibaanada tirada badan ee Mooshinka gudbisay, ayaa waxa uu maalmahan waday olole uu ku kasbanaayo Xildhibaanada isagoo adeegsanaya lacago tiro badan oo uu ka soo qaatay Dowladdo Shisheeye.

Guddoomiye Jawaari oo u muuqda mid ku taamaaya inuu kusii raagi doona Kursiga ayaa iminka bilaabay bixinta dhaqaale xoogan oo uu siinaayo Xildhibaanada garabka u ah.

Guddoomiye Jawaari, ayaa bixinta lacagaha ugu kala roonaanaaya Xildhibaanada, waxaana jira xogo muujinaaya in qaarkood lasiiyay lacago 5,000, 10,000 ilaa 15,000 oo dollarka Mareykanka.

Jawaari oo garab muuqda ka helaaya dowlada Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Agaasimaha shirkada DP World, ayaa dhaqaalaha ugu badan siinaaya Xildhibaanada howsha u wada.

Waxaa la xaqiijiyay in bixinta dhaqaalaha uu uga Wakiil yahay Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo isagu qeyb ka ahaa Xildhibaanada ay dowlada Imaaraadka dhaqaalaha ugu soo dhiibtay Jawaari, si looga dulqaado Mooshinka.

Natiijada sawirka Jawaari iyo Xidig

C/rashiid Xiddig ayaa waxaa guddiga ololaha u qaabilsan Jawaari ku daray Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid, waxa uuna iminka u dhexeeyaa Jawaari iyo Xildhibaanada ku garabka ah, isagoo aad uga soo horjeeda Mooshin wadayaasha.

Sidoo kale, Qaar kamid ah Xildhibaanada saacadihii ugu danbeeyay Jawaari kulanka kula qaatay Villa Hargeysa, ayaa sheegay iney quus ka muuqatay Jawaari, mararka qaarna uu ku celcelinayay Su’aalo mar hore looga Jawaabay.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ka go’an inay qarka ka tuuran Guddoomiye Jawaari oo u muuqda mid la xawsanaaya Kursiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com