Xarriiqda Balad-Xaawo iyo Xogteeda

Intii dhawaanahanba ah waxaa jiray wisiisi ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolka Gedo galay. Dhiiladaas waxay sii laba kaclaysay kolkii dawladda Kenya bilowday inay hirgeliso derbi ay ku sheegtay inay ka dhisayso xuduud-ku-sheegta. Hadaba sidee wax uga jiraan arrintaas, maxayse yihiin dhinacyada loo baahan yahay inay ka hadlaan?

Sida aan kasoo xigtay dad aan isku meel kusoo wada kornay oo isugu jira Sanatar, xildhibaano, wariyayaal madax banaan iyo aqoonyahan soomaaliyeed oo arrimaha xuduudda khibrad dheer u leh kana soo jeeda degaanka laga hadlayo, iyo aqoonta qodada dheer ee aan u leeyahay deegaankaas waxaa jira xariiq kala qaybisa labada qoys ee kala degan laba dhinac , xariiqdaas oo aanu dastuurka Soomaaliyeed aqoonsanayn, sidaa awgeedna ay tahay khalad in lagu tilmaamo xuduud. Dawladihii soo maray wadanka Soomaaliyeed waxay isla ogolaadeen xukuumadda Kenya in xariiqaas sidaa loo daayo illaa laga gaadhayo xilli ku haboon oo labada wadani ka wada hadlaan xuduudda dhabta ahi halka ay noqonayso.

Heshiiskaas farsamo waxuu dhigayaa in labada wadan ay xariiqaas ka fogaadaan masaafad dhan 120m dhinac walba. Masaafaddaas waxaa labada dhinacba ka reebbanayd inay dhisaan. Hadaba burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed waxaa ka dhashay qaxooti labada dhinac ee xariiqdinta dheer dhan walba u butaacay. Dadkaas qayb kamid ahi waxay salka dhigtay degmada maanta muranka dhalisay ee Balad-Xaawo & deegaamo kale oo uusan darbigu wali gaadhin. Deegaanka u fiday labada dhinac ayaa keenay in laga tallaabo xariiqii kala badhayay labada dhinac. Maanta oo ay timid inay Kenya derbi dhistana waxaa ka dhashay in cagafta la mariyo aqaladii ka dhisnaa xariiqa shishadiisa, iyada oo ay dhici karto dhismahaas ay meesha ka dhisteen in sharci & aqoonsi daganaansho ay u haystaan, halkaana waxaa ka dhalatay qaylada maanta taagan.

Qaylada xariiqa u dhaxeeya labada dhinac si loo xaqiijiyo in Kenya ay kusoo xad-gudubtay iyo in kale waxaa tiro dhawr jeer ahba dawladihii kala danbeeyay ay u direen guddi xaqiiqo raadin, kuwaas oo indhahooda kusoo arkay xaqiiqda dhabta ah & waxa meesha ka jira, dibna ugusoo noqday mas’uuliyiinta ugu sareysa wadanka siiyeyna xog & warbixin dhameystiran. Hadaba mas’uuliyiinta ummaddu waxay gafeen inay ummadda soomaaliyeed si dhab ah ula wadaagaan waxa jiray ee guddigu u keenay iyo siday iyaga ula muuqato inay arrintaas wax uga qabtaan. Sameyn la’aanta ama ka gaabsiga arrinkaasi waxuu ummadda ku abuuray walaahoow iyo mala’awaal cadho badan beeray. Waxaan aaminsanahay inay arrintu deganaan lahayd haddii la heli lahaa mas’uuliyiin hormuud ummadda u ah oo ka hadlaysa mar walba wixii soo kordha.

Intaas haddii aan kusoo ibo-maro xariiqdaas iyo waxa ka taagan waxaan midh yar ka odhan lahaa darbiga Kenya dhisayso. Darbiga maanta la dhisayo waxuu ku lahaan doonaa saameyn taban bulshada labada dhinac degta oo xigto iyo xigaalo ah. Waxuu kala teedayaa wiil & aabihii & laba wada dhalatay, waxaana ku lumaya is weheshiga labada qoys ee labada dhinac degan. Baylahda dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo deegaan ee ka dhalanaysa derbigaa waa mid aan la saadaalin karin. Arrinta kale ee u baahan in hoosta laga xariiqo ayaa iyaduna ah in darbigu Kenya u xalaalaynayo dhul horeyba ay u duudsiday welina aan laga wada xisaabtamin, wadadii Kenya ay usii mari lahayd badda muranka gashayna uu noqdo darbigaas. waxaana xusid mudan in darbigan uusan ku koobnaan doonin inta u dhaxaysa Balad-xaawo & Mandheere balse uu yahay darbi masaafadiisu gaadhayso in ka badan 700-km uuna ku dhamaan doono halka uu ka jiro muran baddeedka Soomaaliya & Kenya.

Hadaba waa halkan meesha la rabo in dadka degan labada dhinac ee isdhalay ay si wadajir ah uga dhiidhiyaan dhisida darbigaas iyagoo aanan cid kale xajiimaynaynin.

Axmed Maxamed Xasan
Ahmed3151@gmail.com
27/3-2018